WAA MAXAY NFT, SIDEE LACAG LOOGA SAMEEYA?
Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa? Waxaa Shakki La’aan Ah Ama Laga Yaabaa Inaad Wax Ka Maqashay NFT Ayaa Lacag Laga Sameeyay, Oo Aad Ku Fikkirtay Sidee Ku Dhici Kartaa? Sideen Lacag Uga Samayn Karaa Wax Aan La Taaban Karin? Waa Su’aalo Ay Iswaydiiyaan Dadku, Xitaa Iyagoon Rabin Inay NFT Lacag Ka Sameeyaan, Kaliya Raba Inay NFT Wax Ka Ogaadaan Iyo Sida Lacagta Looga Sameeyo. Waxaana Intaa U Dheer, Bini’aadamka Sidiisba Wuxuu U Heelan Yahay Inuu Wax Ogaado, Gaar Ahaan Marka Uu Arinku La Xidhiidho Lacag Iyo Shaqo. Maqaalkan, Waxaynu Isku Dayaynaa Inaan Fududaydino Fikradda Ah Sideen NFT Lacag Uga Samayn Karaa? Inagoo Si Kooban U Faahfaahinaynaa Waxa Ay Tahay NFT Iyo Sida Ay U Shaqayso. Kahor Intaynaan Guda Galin Maqaalkeenan, Aynu Si Kooban U Tilmaamno Waxa Ay Tahay NFT, Iyo Sida Ay U Shaqayso. Waa Maxay NFT? NFT Waa Erey Laga Soo Gaabiyay ( N on -F ungible T oken) Soomaalina Ku Noqonaysa ( Calaamadaha Aan Labadali Karin ). Marka La Soo Koobo, NFT Waa Calaamad Gaar U Ah Qaa...