WAA MAXAY BLOGG SIDEE U SHAQEEYA LACAG MALAGA SAMEYN KARAA?
Blogg
Xirfada Blogging waxaa mudooyinkii dambe aad uga hadla Dad badan oo Soomaali ah ayagoo ku baraarugay in ey muhiim tahay Xirfadaan marka Caalamka loo eego se mudo beey jirtaa maadaaba aanan u badneen Dad wax akhriya sidaa baa gaabku u yimid waana Xirfadaha Dunida ugu lacagta badan Dadka qaar Websiteyada leh baa Sanadkii Million Dollar ka qabta waa Websiteyada waaweyn
Sideen ku bilaaba?
Inaad bilowdo maaha wax adag kaliya waxa aad u baahan tahay baa ah inaad Website sameyso sidoo kale Websitekaa aad si qurux badan u naqshadeyso kadibna Maqaalo soo jiidasho leh aad ku Daabacdo waxa xiga baa ah marka intaa aad sameyso xoogana saarto Mowduuc ama waxa aad ku fiican tahay Dadbaa ka hadla Ganacsiga kuwa kale Siyaasada ama Arimo Bulsho iyo Caafimaad.
Af-Soomaali ma aqbalaya
haa oo Luuqad ku xadideyso ma jirto Tusaalaha ugu weyn ee aad arki karto waa Websitekaan aad hada Akhrineyso Dhamaantiis Af-Soomaali buu ku qoran yahay Xayeysiis baana saaran marka ma jirto luuqad ku hakin karto kaliya Content ama Qoraal Bulshada anfacaya soo gudbi Sawiro queux badan ku dar sidoo kale Copyrightka iska ilaali waa talada aad Blogging uga guuleysan karto
Wadankeena ma ka shaqeeya
Nasiib xumo Soomaaliya sida aan wada ognahay maleh Address Blogging sida Youtube oo kale weeye oo waa inaad wadan Google ogoshahay dhanka Adsense-ga ku xirtaa hadii Qaraabo Yurub ama Mareykan joogaan waad la xiriiri kartaa adoo ka codsanaya Guriga eey dagan yihiin Addresskiisa sidoo kale Canada xitaa wadamo Africaan ahbaa jira sida Kenya Sourh Africa oo la ogol yahay waadna baari kartaa marka hore.
Course aan ka barto
inkastoo aanan Course ka diyaarin laakiin aan rajeyneyno dhowaan hadana waan Caawina intii awoodeena ah oo waa adigaan akhrisanaya Maqaalkaan Wakhtiga la galshay sidoo kale Dhalinta Whatsappka nagala xariira waan uga jawaabnaa marka ugu horeyso ee Course yimaadna waa heli doontaan insha allah.
Website sameenta
Hadii aadan Cilmi u lahayn Horumarinta iyo Design gareynta Websiteyada anagaa diyaar kuula ah inaan kuu dhisno Website aad u qurux badan leh waajibaadka Google Adsense kaa dooneyso waana lagaa caawin doona wax walba oo talo dhanka Websiteka ah hadaad dalbato insha allah qiimahana wa heshiis macmiil iyo Qofkiisa la xariir Mobile Numberkaan hadaad dooneyso sameeynta Websitekaaga (+252613061123)
WordPress iyo Blogger yaa fiican
labadaba waa lagu sameyn karaa laakiin talo ahaan waxaan ku siin lahaa WordPress sababtoo ah asaga ayaa Profession ah Aduunkana aad looga isticmaala waana meesha ugu weyn e Website laga dhiso Caalamka Blogger waa Site iska yar oo shirkada Google leedahay sidaa uma horumarsana Dadbadan baase isticmaala waana wax qorid uun Laakiin WordPress waxaad awood u yeelaneysaa Websitekaaga qeyb inaad Dukaan ka dhigto qeyb kale Blogg sidoo kale qeybna School aad Dadka wax ku barto.
Gunnaanad
Blogging waa xirfad u baahan dhabar adeeg mudo dhowr bil ah intaan Websitekeyga la aqbalin waxbaan iskaga qori jiray Dadaalka markeey arkaan Teamka Adsense-ga ayagaa baa ku aabali doona sidoo kale Cudur daar hadeey kuu tahay ma aqaan sida wax looqoro ama hibo uma lihi wax walba waa isku taxalujin taas maankaaga ku kab Qoraalo Dad leeyihiin Cidi kugu aqbali meyso Maankaaga waxa aad ka qoratay baa ah waxa Shirkada Google talo kugu siineyso marka Dadaal wacan insha allah.

Comments
Post a Comment