WAA MAXAY DIGITAL MARKETING, SIDEE U SHAQEEYA?


digital marketing

Digital Marketing

waa xirfad aad u sareeysa waana xirfadaha Ugu qiimaha badan aduunka maanta ee aadka looga shaqeysto.
degital marketing:Waa nooc ka mid ah suuq geynta kaa soo lagu sameeyo Internetka qaabab kala duwan
iyada oo la adeegsanayo meelaha wax lagA raadiyo sida :[SERCH ENGINE], social media, iyowebsiteyada.

Waana nooc xayeysiin oo online ah.Suuqgenyta casriga ah waxaad gaarsiin kartaa farriintaada dad badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda Waa nidaam leh halbeegyo aad ku cabiri karto yoolka aad leedahay
iyo natiijadaaad rabto inaad gaarto.
Waa nooc suuq geyneed oo aad u kharash yar una qiima jaban.
Sidoo kale Waana nooc cusub oo ka duwan sidii waayihii hore wax loo Xayeysiin jiray oo loo istocmaali jiray, idaacadaha,
televisionada, journal ada, Waana fal kasta oo dhiirigalinaya in wax la iibsado iyadoo loo marayo aaladaha internet ka. Waa nidaam aad si fudud ugu soo bandhigi karto badeecadaada goobo kala duwan ama degaano,
aad adigu dooratey,si fududna uu ku gaarayo. Soomaali ahaan xayeysiinta ganacsiga si online ah
aad bey ugu hoseyna oo manihin dad fahansan ama badankeenuba mafahansana,aad beyna ugu
baahi qabnaa, Ganacsiyada soomaaliyeed wey ku yartahay xayeysiinta onlineka, taasi waxa ay muujineysa sida,
eyna ganacsatadeenu ugu dhiiraneen iney alaabahooda ku xayeysiisntaan online ka , oo Badanaa shirkadooda
ama bakhaaradooda alaab casri ah taalo , Balse aan lahayn qeyb xayeysiin oo online ah , Oo sugaayaan un qof albaabka uga soo gala, oo wax ka iibsada. xayeysiinta online ka ah waxa ay ka koobantahay lix qeybood oo waa weyn:

qeybaha digital marketing




1:affiliate marketing: waa inaad link ka heysata shirkada aad badeecada u xayeysiineyso, adiga oo
helaya comision hadii linkigaa wax laga iibsado.

2:social media marketing: run ahaanti xayeysiinta social media ha waa tan ugu weyn oo leh meelo badan
sida: facebook, instgram, tiktok,snapchat,iyo qeybo kale oo badan oo lehna blatform u gaar ah xayeysiintooda.

3:influancer marketing:waa xayeysiin ay sameeyaan dadka caanka ah oo bulshada badani ku xirantahay.

4:email markeeting:waa in aad fariimo ugu dirto emailka adiga oo ururinaya emailada macaamiisha
si marka aad alaab cusub keentid ay si fudud u gaarto.

5:saarching engine optimazition [SEO]:waa in page ka ugu horeeya e meelaha wax laga baaro
ay soo kortaa badeecada aad xayeyiineyso tusaale ahaan google search adiga oon wax lacag ku bixineyn,
tan si gaara waxey khuseysaa dadka website yada wax ku xayeysiiya ama articles ka soo galiya.

6:search engine marketing [SEM]:waa in aad lacag ku bixisaa badeecadaada ama websitekaaga
sidii looga heli lahaa meelaha ugu soo horeeya ee wax laga baaro sida google ka .
Hadaba waqtigan iyada oo ay jirto shaqadaa xorta ah oo uu qof walba sida fudud ugu shaqeysan karo,
maxey dhalinyarada soomaaliyeed ugu dhiiran la,dahay oo ay darbiyada iyo meelaha shaah cabka ula fadhiyaan
baaga muudada, iyo shaqo la,aan ba wadanka ka jidha. waqtigan maaha waqtigii aad shaqo la,aan
ka caban lahayd ee waa waqtigii aad mesha ka kici laheyd, oo aad wax isbari lahayd waxa yar aad heysatona aad ku bilaabi lahayd oo aad waqtiga ka faaideysan lahayd.

Ugu Danbeyn

Hadaba dhalinyara ahaan sideen uga faaideysan karna, Oo ku bilaabi karnaa xayeysiinta online ka ah.
1: waa inaad heysataa laptop iyo mobile
2: waa inaad heysata internet
3:waa inaad barataa xirfadaha graphic designs,
ama aad aqoon u leedahay oo aad alaabaha aad xayeysiiska ku sameyneyso naqshadeyn karto,
iyo inaad taqaano sida loo sameeyo website yada aad wax ku xayeysiin lahayd wax adag maaha
waqtigan sida website loo sameeyo, waxaad ku dhisi kadhaa wordpress si fudud.
sidoo kale waxaa lagaaa rabaa inaad taqaano sida muuqaalada loo duubo loona edit gareeyo. programada ugu fiican ee la rabo inaad aad u barato waxna lagu naqshadeeyo waa photoshop iyo adobe illustrator labadaa app waa inaad xooga saarta, waa halka ay ka duusho graphic design.



Comments

Popular posts from this blog

WHAT IS SHOPIFY

SHAN QAAB OO AAD LACAG UGA SAMEYN KARTO YOUTUBE!

WAA MAXAY FREELANCER?