WAA MAXAY GRAPHIC DESIGN?

 waa maxay graphic design?


graphic design
maxey muhiim u tahay
barashada waxa ay tahay graphic
design iyo faaidadeeda iyo qeybaheeda


Waa maxay graphic design? (Garaaf naqshadeyn)
Garaaf naqshadentu waa inaad abuurto sawir ama muuqaal qurux badan oo aad farashaxan ku la dhay , lehna sumad, kaas oo kaa caawinaya in waxa aad heysid ay si fudud ku gaaraan,dadka oo ay xiiso u yeelaan waxad so gudbineyso.Tusaale naqshadaynta garaafyada.Naqshadeynta agabka suuq geynta, xayeysiisyada,sawirada website ka, dukumentiyada,dhamaantood garaafyo la naqshadeeyey oo soo jiidasho leh baa ku jira.
Hadaba si aad u fahanto naqshadeynta garaafyada, waxaad u baahantahay inaad fahanto kuwan
1: midabka : inaad doorato midabo 2 ama saddex ah oo isku soo baxaya,waxey kaa caawineysaa iney muuq
wacnaato nashqqdaadu. oo soo jiidasho yeelato
2: Cabirka : waa in cabir ku hagayaa oo aanad ka bixin.
Tusaale ahaan sida marki guri la dhisayo waxaa la cabira, dhulka waana la jeexa markas kadib waa la dhisaa iyada
oo aan laga baxeyn cabirki loogu talagalay ee la jeexay.
3: kala hormarinta: inaad ukala hormarisid sidey ukala , mudanyihiin oo isu qaadan karaan qoraalada iyo sawirada, Aad garaafka ku sameyneyso.
Inaad faham aasaasi ah ka heysato naqshadeynta ,Waxey kaa caawineysaa, inaadan sameyn naqshado isdiidan oo aan muuqaal ahaan soo jiidasho lahayn, ahayna mid wanaagsan oo loo riyaaqo.
Hadba maxey muhiim u tahay naqshadeynta garaafku?
Naqshadeyta garaafyada waxay muhiim u tahay qaabab badan .
Waana furaha naqshad kasta oo aad maalin meel ku aragtey,sida waxyaabaha aad ka daawato warbaahinta
iyo telifishananada,xayeysiisyada, si maalin le ah, dhamaantood waxaa qeyb ka ah
naqshadeynta garaafyada oo base u ah. Intaa marki laga yimaado waxaa iyana qeyb ka ah ood, aragta maalinkasta coverka buugaagta, qaabka ay u sameysanyihiin boggaga joornaalada ee wararka laga akhristo,
naqshadeynta alaabta, iyo naqshadeyta dharka.

types of graphic design
qeybah u kala baxaan graaf sameyntu

hadaba waxaan halkaan kugula wadaagayaa,qeybaha u kala baxaan graaf sameyntu:
9 nooc oo ka mid ah,naqshadenyta garafka
1: Naqshadaynta loogada:Barand identify design: nooca ugu horreeya eenaqshadeynta garaafka,
waa naqshadeyta loogada, kaba soo qaad inaad ganacsade tahay oo ganacsi leedahay hadii aanu ganacsigaagu sumad gaar kuu ah logo oo lagu garto kuu lahayn ma noqonayo mid xiiso yeesha, waa inuu lahaadaa logo ku khasah . Hadaad tahay xirfadle graphic design ah, waxad noqon kadha mid ku takha khusay
dhowr nooc naqshadeyn ah,dabcan waa inaad noqotaa mid qaabab badan u sameeya, loogoyinka si aad uga
duwanaato kuwaa isku xirfada tihin.
2: Suuqgeynta & Nakhshadeynta Xayeysiinta:marketing advertising design:
barashada suuqgeynta iyo nakhshadeynta xirfadan. waxa weeye garaafyada aan ku aragno
warbaahinta bulshada, social media iyo xayaysiisyada, si live ah iyo si aan live ahayn.
Dhammaan boodhadhka xayeysiiska ah ee ku dhagan, laamiga hareerihiisa markaad mareyso,iyo buugaagta aad ku aragto maqaaxiyaha iyo meelaha, kafeega casriga ah,oo dalabku ku sawiranyahay,
dhammaantod waa qayb ka mid ah suuqgeynta & naqshadeynta,garaafka xayeysiinta.
3: Naqshada IU Interface User design: waxa ay qaabilsantahy,naqshadaynta waxyaalaha aynu isticmaalno,oo ay ka mid yihiin,appska, softwares ka, website yada iyo barnaamijyada kale ee internetka.
Barashada xirfadan waxay u baaahantahay naqshadeeyuhu,inuu fahmo sida loo naqshadeeyo barnaamij soo jiidasho leh, sidoo kale nashqadeeyuhu inuu hubiyo inay u fududahay,qofka isticmaalaya in uu fahmo sida loo isticmaalo.
4: Alaab Naqshadeynta: (product design):Naqshadeynta alaabta waxay saameyn
ku leedahay sameynta naqshada guud ee alaabta, intaan loo soo ban dhigin iibsi si ay macaamiishu u gataan,
waxana kamid ah laabaha , gasaacadaha, galasyada, bakeeriyada kafeega, iyo dhalooyinka,iyo kuwo kaloo badan.
5: Naqshadaynta Daabacaadda: publication design: naqshadaynta daabacaadda waxaa ka mid ah naqshadaynta
sida: joornaalada, ebooks ka, waraaqaha cadcad, warbixinnada,buugaagta, wargeysyada, oonooyinka, iyo noocyo
kale oo badan. Naqshadeeyaasha daabacaadaha waa iney sameeyaan naqshadomuuqaal qurxon
oo soo jiidasho lehoo la akhriyi karo oo ay hubiyaan in macluumaadka bog kasta si fiican loo arki karo.
markii la ,akhrinayo ama la, eego.
6: Naqshadeynta Baakadaha:packaging desing:Markaad iibinayso badeecado ay iibiyaan
shirkado badan ,waxaad u baahan tahay inaad heshid hab aad uga duwanaato marar badan baakadahaagu waxay
kaa caawin karaaninaad kala duwanaansho sameyso. iyaga weyku adkaaneysaa inay la yimaadaan
qaabka aad u baakadeysey alaabtaada. waaxaadna ahaaneysaa mid tartanka kaalin sarekaga jira oo la loodin karin.
7: Naqshadaynta noocyada farta : typeface design: eeg dhammaan faraha xarfaha aad aragto maalin kasta.
Qof ayaa ku qasbanaaday inuu naqshadeeyo kuwaas oo dhan.far kasta, xitaa kuwa aasaasiga
ah sida Arial waxaa abuuray naqshadeeye. Wakhtigan aynu ku jirno waxaa caadi ahaan aragnaa nashqadaynta faro gaar ah markii loogada ay rabaan inay sameystaan Tusaale ahaan, shirkada Samsung waxay
leedahay,font u gaar ah oo Samsung One ah.



8: Naqshada Garaafka Dhaqdhaqaaqa animation: Animation waa nooc ka mid ah nashqadaha garafka oo aad inta badan ku aragto muuqaalada iyo stickers ka,iyo gift ga. Tusaale, u fiirso fiidiyowga qoraalka ka sareeya,waxaan u naqshadeeyay qaab animation garaf ah, oo ay sawiro dhaq dhaqaaqayaaan.
9: Nakhshad Sawireed: (illustration design Naqshadaynta garaafyadanoocaan ah waxaa
sida caadiga ah lagu sameeyaa programada xirfada leh sida Adobe apps, iyadoo la isticmaalayo qaabab iyo
screen touch si loo soo saaro curiyayaasha oo loogu beddelo naqshad dhijitaal ah.
Hadaba naqshadeeye kastaa wuxuu leeyahay qaab iyo hab u gaar ah. oo uu wax u naqshadeeyo isga oo soo saaraya designs qurux badan , si uu u ehelo macaamiil badan oo ku xirnaata lana dhacda wax soo saar kiisa,
uuna kaga duwanaado dadka ay isku xirfada yihiin , saas ay tahay naqshadaa, u garka ah waxey ka dhigeysaa mid
soo jiidasho leh, ugu danbeyti waa inaad doorata xirfad intaa kor aan ku xusay, oo aad takhakhuskeeda yeelata
oo aad ku noqotaa khabiir looga, dameeyo si qurux badana aad u nashqadeysaa, si ay dhadhan soo,
jiidasho u yeelato naqshadeyntaadu oo miro dhal u noqoto waxan rajeynayaa inaad ka dhex heli
doonto mid ku anfacda,oo aad ku shaqeysato.

waa maxay muhiimada u leeyahay graphic design?.
Marka aad is weydiiso naqshadaynta garaafyada, maxey noqon kartaa waxa maskaxdaada kuusoo dhacaya?
Dabcan waxey noqo kartaa boorar, garaafyo suuq geyneed,sawiro, majalado, iyo kuwa kaloo badan,
Wax naqshadeyntu waxa ay ku timaada cabbiro kala duwan,
Designs ka dhamaantood waxey ka siman yihiin oo loogu talagalay in wax lagu tilmaamo.
Tusaale ahaan qof ganacsadaha ah wuxuu xaruntiisa, Ku dhagsanayaa board kaas oo u ku
muujinayo badeecadiisa,Ama wuxu sameysanaya logo (astaan)u gaar ah ganacsigiisa.
Garaafyada dhamaantood waxaa lagu sameeya computer ama tablet.



Comments

Popular posts from this blog

WHAT IS SHOPIFY

SHAN QAAB OO AAD LACAG UGA SAMEYN KARTO YOUTUBE!

WAA MAXAY FREELANCER?