Waa maxay Shopify Sidee ushaqeeya ?

 



    Waxaa laga yaabaa inaad wax ku saabsan Shopify aad  maqashay markaad baadhayso internetka  laakiin aadan aqoon badan ulaheyn  sida ay  ushaqeyso . Hagaag, waxaan halkaanhoose  kugula wadaagi doona xog ku saabsan   waxa Shopify yahay, faa’iidooyinka iyo khasaarooyinka isticmaalka Shopify, waxa ay bixiso Shopify.

    Waa maxay Shopify?

    Shopify waa goob ecommerce ah oo aad isticmaali karto si aad u dhisto dukaan online ah aadna wax ku iibiso ayna fududahay in aad isticmaasho.

    Marka aad gasho bogga shirkada waxa aad ubaahanthay inaad accoun ka furato si aad u isticmaasho waxay ku siinayaan muddo dhowr cisho ah oo aad ku tijaabiso , kadib marka ay dhamaatao tiaabadaada waa in aad kala doorata saddexda nooc ee koonto aad ka dhex furan karto shirkada 

    Sawirka kore waxaad ka arki kartaa saddexda Koonto ee aad ka koobantahay midkastana adeegyada u gaar ah ayaad heleysaa 

    Shopify waxay ku siinaysaa aasaaska aad ku socodsiiso ganacsiga ecommerce. Waxay kuu ogolaanaysaa inaad furto meel bakhaar ah, soo bandhigto alaabta, la macaamilka macaamiisha, aqbasho lacag bixinta, iyo in ka badan. Shopify waxay ku siinaysaa dhammaan agabka aad u baahan tahay si aad u maamusho mid kasta oo ka mid ah hawlahaas.Uqaado  Shopify sidii fududeeye ka shaqaynaya si loo fududeeyo habka wax loogaga iibiyo shabakada iyo internetka  Isticmaalka saxda ah ee goobtan, waxaad ku dhisi kartaa ganacsi guuleysta waliba qiimo jaban.

    Faa'idooyinka Shopify
    1. in aad maamusho store kaada oo aad ufudud
    2.Adeegyo free ah
    3. Qorshe lacagta isticmaalka oo kala duwan
    4.apps badan oo free ah ayaad ka dhex heleysaa
    5.Caqabadihiisa oo yar
    Maxaad kudhex iibin kartaa Shopify?

    Shopify ga dhexdiisa waxaa ku dhex iibin kartaa wax walba aad ubaahantahay in aad iibiso , waakuwan kuwa kamid ah badeecooyinka ugu caansan eed ukudhex iibin karto :

    • Dharka
    • Alaabaha dumarku isku qurxiyaan
    • Alaabaha gurigga 
    • Alaabaha safarada
    • Alaabaha caruurta
    • Boorsooyinka
    Si kastaba ha ahaate shopify waxay leedahay alaabo aadan iibin karin oo hadii aad iibiso aad kuwaayi karto kootada aad ku leedahay shopify waxa kamid ah :
     
    • Hubka  iyo qaybahooda
    • Alaabooyinka been abuurka  ah ama aan la ogolayn
    • alaabta khamaarka
    • Alaabooyinka dadka waaweyn ama filimada xunxun
    • Alaabta daroogada
    • Tigidhada 
    Sida loo kobciyo dukaankaaga Shopify

    Waxaad ku korin kartaa macamiisha  dukaankaaga Shopify dhowr siyaabood. Halkan waxaan kugula wadaageynaa dhor hab :

     

    1. Samee xayaysiimo

    Waxaad ku xayeysiin kartaa xayeysiisyada goobo kala duwan sida Facebook, Google, iyo ku dhawaad shabakad kasta oo kale oo bulsho. Fikrad ahaan, waxaad ubaahantahay inaad soo ogaato halka ubadan ay isticmaalan macaamiisha aad rabto in aad wax ka gado.

    2.SEO

    SEO oo laga soo gaabiyey Search engine optimasation waa in aad webssite uu kasoo muuqda halka ugu horeyso ee marka la raadinyo alaab ama badeeco google ka dhexdiisa 

    3. Baraha bulshada

    Kahor inta aadan dhisin Dukaankaaga waa in aad sameystaa Ciwaano aad ka dhex sameysataa Facebooka iyo Instagramka aadna dhistaa macamiil si aad marka aad alaab soo dhigto aad hesho dad kaa iibsado.









    Comments

    Popular posts from this blog

    WHAT IS SHOPIFY

    SHAN QAAB OO AAD LACAG UGA SAMEYN KARTO YOUTUBE!

    WAA MAXAY FREELANCER?